Hooyo budeeya

Waxaan la kulanay hooyo soomaaliyeed oo reer Hargeysa ah kuna sugan xaalad aad u qadhaadh xiligii dhaxantuna ay u soo gashay, hooyadan waa qof weyn oo dah ah waxay haysatay wiil 40jir ah oo xanuunsan maskax ahaan waxaa kale oo la joogay wiilka aabihii oo oo gaboobay.

Waalidiintan awood ma hayaan ay wiilkooda dhakhtar ku geeyaan waayo iyaguba waa gaboobeen .

Hooyada iyo wiilkeeda xanuunsan

Taariikhdu markay ahayd 09/01/2021 Hooyo budeeya iyo wiilkeeda waxaan ku booqanay xaafad ay degan yihiin oo aysan lahayn dhulka.

Ka dib markaanu eegnay wiilka iyo xaalada uu ku jiro waxaan goaan ku gaarnay inaan umada soomaaliyeed u soo bandhigno si dadku u soo caawiyaan.

illaahay mahadii dad badan oo soomaaliyeed oo muxsiniin ah ayaa nala soo xidhiidhay oo lacag soo diray.




Hooyadan iyo wiilkeeda mudo laba mar oo kala duwan ayaan lacag u gaynaynay si ay noloshooda ugu hagaajiyaan , waxayse maamadu codsatay in guri loo dhiso , qofkii awoodaaya arintaa hanala soo xidhiidhi

Related Posts

1 comment:

  1. A Beginner's Guide to Baccarat - WORRione.com
    A Beginner's Guide to Baccarat · In most circumstances, a player wants 인카지노 to know which hand is the best to play, 제왕 카지노 because they will find a 바카라 hand that is the best

    ReplyDelete